Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Xaflada Caleemo saarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Jubbaland, iyo Puntland, Saraakiil ciidan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Dowladdaha dariska la ah Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ee Xaflada ka hadlay ayaa balan qaaday in ay la shaqeynayaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Sidoo kale Waxaa xaflada ka hadlay Wakiilo ka socday Midowga Yurub, Midowga Afrika, Dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya waxa ayna balan qaadeen in ay si dhaw ula shaqeynayaan Madaxweyne Xaaf.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono midnimada Shacabka Galmudug iyo Nabadeynta degaanadaasi.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland in ay ka shaqeeyaan xasilinta Magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii la isku soo dhaweyn lahaa shacabka magaalada Gaalkacyo oo ay u noqon lahaayeen dad walaalo ah sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo.



