Gaalkacyo-RisaalaM- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa maanta la kulmaya waxgaradka Gobolka Mudug, si loo dhaqan geliyo heshiiskii ay wada gaareen maamulada Puntland iyo Galmudug.
Axmed (Xaaf) ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, weli fursad uma uusan helin in uu la kulmo Waxgaradka Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmduug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masaga-waa) oo la hadlay VOA ayaa sheegay Madaxweynaha Galmudug in maanta uu la kulmayo waxgaradka Gobolka Mudug.
Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, oo dhowaan ay ku kulmeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa waxa ay ku heshiiyeen in xal waara laga gaaro colaada ku soo laa laabatay magaalada Gaalkacyo.



