Diyaarad Millitari oo ku bur burtay Myanmar

Myanmar-RisaalaFM- Millitariga dalka Myanmar ayaa sheegay in laga helay bada magaalada Andaman diyaarad Militari oo la weysnaa oo ay saarnaayeen 120 qof.

Taliyaha ciidamada dalka Myanmar ayaa facekook-giisa ku soo qoray in bur burka diyaarada laga helay xeebaha Launglon, ee koonfurta Myanmar, isagoona sheegay in loo diray maraakiib ciidamada badda maanta oo khamiis ah.

Sagaal maraakiibta ciidamada badda iyo Saddex diyaaradood oo ciidamada cirka ayaa loo diray halka ay diyaaradu ku dhacday si ay u raadiyaan Diyaarada taasi oo la waayay.

Waxaa jiro macluumaad is khilaafsan oo kusaabsan tirada dadka saarnaa diyaarada balse ciidamada ayaa sheegay in ay saarnaayeen diyaarada 122 qof.

Inta badan rakaabka saarnaa diyaarada ayaa u badnaa qoysaska ciidamada oo ay ku jiraan 15 carruur ah 35 askari iyo 14 shaqaale ah sidaasi waxaa lagu war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidamada.