Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Madasha wadatashiga Qaran oo uu maanta ka furay Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in Dadka ku nool gobolka Hiiraan aysan Taageersaneyn Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay qodobada kasoo baxa shirka in aysan quseyn shacabka kunool gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaaladda Muqdisho shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.


