DHAGEYSO: Waxgaradka Hiiraan oo dhaliilsan shirka ka socda Jowhar

Odayaasha dhaqanka  gobolka Hiiraan ayaa wali aan ku qanacsaneyn shirka ka socda magaalada Jowhar, waxaana ay sheegeen in shir nabadeyn ah uu uga socdo magaalada Beledweyne.

Odayaasha ayaa sheegay in dowladda federaaalka ah ay kala hadleen cabashooyin, balse aanay wax natiijo ah ka helin.

Afhayeenka shirka Beledweyne Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec, ayaa tilmaamay in aysan diyaar u aheyn in Hiiraan la hosgeeyo Shabeellaha Dhexe ,

Ugaaska ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay dadka reer Hiiraan ay ugu baahan yihiin  dib u heshiisiin iyo sida ay dowlada aysan diyaar ugu aheyn.

Ugaaska ayaa wax laga weydiyay sida labada shir ay isku waafaqi karaan waxana u shegay in arintaas dowladda soomaaliya laga rabo in ay dib usaxdo.

Shalay ayay aheyd markii wasiiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya uu si toos ah magaalada Jowhar waxa uu uga furay shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.