DHAGEYSO: Mas’uuliyiinta degmada Luuq oo baaq ujeediyay Madaxda Jubbaland

Xiisado colaadeed ayaa waxa ay maalmahan ka taagnaayeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Xiisadaha ayaa la sheegay in ay udhaxeeyeen maamulka degmada Luuq iyo wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha degmada Luuq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha Jubbaland uu odayaal deegaanka ah uu xir xiray.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Luuq ayaa maamulka Jubbaland ka codsaday in ay faragalin ku sameyso arintan.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxa ay xiisado colaadeed ka ka taagnaayeen degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo wali maamulka Jubbaland ay arintaasi aysan wax ka qaban.