DHAGEYSO: Wasiiro sheegay in ay ku fashilmeen hogaaminta Koonfur Galbeed

Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Markii ugu horeeysay si cad u qirtay in ay ku fashilmeen shaqooyinkii loo igmaday .

Wasiiradaasi waxaa ka mid ah Wasiirka Diinta iyo awqaafta  Maamulka Koonfur galbeed Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre) sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha iyo sidoo kale Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed in ay iscasilaan Madaam ay ku fashilmeen hogaaminta Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Koonfur Galbeed ,islamarkaana aysan suurta gal aheyn in uu sii hogaamiyo maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay in Wasiirada iyo xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed aysan waxba u qaban bulshada.

Horay ayaa Wasiiro iyo sidoo kale Aqoonyahano kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay u sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah Musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxtinimada Soomaaliya.