Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya General C/qaadir Sheeekh Cali Diini iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Ujeedka safarka wasiirka gaashaandgiga ayaa ah sidii ay ugu qeyb geli lahaayeen shirar wada tashi iyo dib u heshiisiin ah oo lagu wado in ay ka dhacaan magaalada Kismaayo.
Shirarkaasi dib u heshiisiinta oo uu ka qeyb galayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya beelaha dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo iyo sidoo kale Siyaasiyiin dhaliilsanaa jiritaanka iyo dhismaha maamulka jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay wasiirka gaashaandhiga iyo wafdigiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Kismaayo ay ka dhacaan shirar dib u heshiisiin.
Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Soomaaliya General C/qaadir Sheeekh Cali Diini waxa uuna ka warbixiyay safarkiisa Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan ka furmay shir dib u heshiisiinta inkasto shirkaasi ay dhaliileen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka dega gobolada Juboooyinka iyo Gedo.
Inta uu magaalada Kismaayo ku sugan yahay wasiirka gaashaandhiga soomaaliya ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadanaya beelaha dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo gaar ahaan beelaha dhaliilsan Siyaasada iyo hogaanka maamulka Jubbaland.



