DHAGEYSO: Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo muddo 24 saac ah loo qabtay

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya oo shalay goobjoog ka ahaa kulankii ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee su’aalaha lagu weydiinayay wasiirka amniga ayaa u yeeray wasiirka arimaha dibadda xukuumada Soomaaliya.

Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar looga baahan yahay in xildhibaanada uu horyimaado.

Afhayeen Jawaari, ayaa tilmaamay in wasiirka uu heysto waqti kooban oo 24 saac ah, waxaana laga doonayaa inuu xildhibaanada horyimaado.

Ujeedada loogu yeeray wasiir Hadliye, ayaa ah in xildhibaanada ay doonayaan iney wax ka weydiiyaan siyaasada arimaha dibadda  dowlada federaalka Soomaaliya.

Maalintii shalay ayay aheyd markii xildhibaanada ay hortageen wasiiro xukuumada ka tirsan oo uu kamid ahaa wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya.