Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin u jeediyay shirkadaha wax daabaca ee ku yaala magaalada Muqdisho, digniintaasi oo ku aadan iney daabacaan boorar ay ku qoran yihiin luqadaha aan Af-Soomaali aheyn.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, oo la hadlay Idaacadda Risaala, ayaa sheegay in maamulkooda uu la xisaabtami doono shirkadaha boorarka ku daabaca luqadaha aan Soomaali aheyn.
Afhayeenka maamulka Banaadir, ayaa sidoo kale sheegay ineysan u dulqaadan doonin in shirkadaha wax daabaca ay luqada English-ka u kormariyaan boorka ay daabacayaan.
“Waxaan rabaa inaan digniin u jeediyo shirkadaha wax daabaca, waxaan leeyahay waxaa la idinka doonayaa inaadan adinka dambiga qaadan oo aadan daabicin boor aan Af-Soomaali ugu koreyn, adinkana aad qeyb ka qaadataan horumarinta Af-Soomaaliga”ayuu yiri Xalane.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka waday degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir olole ka dhan ah boorarka lagu qoray luqadda English-ka.