DHAGEYSO: Wasiirka Amniga “Qaraxii xalay wuxuu ahaa mid aad u weyn”

Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya C.risaaq Maxamed Cumar oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xooga uu lahaa qaraxii xalay ka dhacay agagaarka hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka wuxuu sheegay in qaraxii xalay uu ahaa mid ka xoogan qaraxyadii ka dhacayay magaalada Muqdisho, balse qasaaraha uu ka yar yahay qasaarihii ay geysan jireen qaraxyadii hore.

Baaritaano ay sameeyeen ciidamada booliska iyo hayada kale ee dowlada ayuu sheegay wasiirka amniga in lagu ogaaday in qaraxa uu ahaa ku dhawaad 200 oo kg oo waxyaabaha qarxa ah oo gaari laga buuxiyay, balse qasaaraha uu geystay uu yaraa.

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayuu sheegay iney difaac xoogan sameeyeen ayna ka hortageen qorshaha lala damacsanaa qaraxa.

Shan kamid ah ciidamada NISA ayuu sheegay iney ku dhinteen qaraxa koowaad ee ka dhacay agagaarka Taalada SYL ee magaalada Muqdisho.