Jabuuti-RisaalaFM- Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi cali Xirsi Qarjab ayaa laga saaray Isbitaal ku yaala magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti halkaasi oo lagu dabiibayey.
Wasiirka Qarjab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladiisa hada ay ka soo reyneyso sidii hore, waxaana wasiirka uu ku dhaawacmay israsaaseen ka dhacday magaalada Boosaaso taas ayaana sababtay in xaalad caafimaad loogu qaado dalka Jabuuti.
Waxa uu sheegay Wasiirka hadii uu ka soo kaco xanuunka haya in wax badan laga bedeli doono amniga deegaanada Puntland.
Dhowaan ayay aheyd markii shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Boosaaso uu ku dhaawacmay Wasiirka amniga maamulka Puntland, waxaana taasi ay sababtay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha maamulka Puntaland C/wali Gaas uu xilka kaga qaaday Taliyeyaasha Boliiska iyo Birmadka maamulka Puntland.


