Nairobi-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo maanta markale ku kulmi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la filayaa in ay soo saaraan go’aano wadajir ah oo ku aadan waxa laga yeelayo kumanaanka Kun ee Qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab.
Kulan shalay Labada dhinac dhexmaray ayaa natiijada ka soo baxaday waxa ay noqotay in la isku afgaran waayo qaabka loo wajahayo Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka go’antahay in gabi ahaan albaabada loo laabo xeryaha Qaxootiga dalka Kenya, Halka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in loo marayo qaabka Qaxootiga loo celinayo heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee ay horey uwada gaareen Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.
Kulanka maanta lagu madalsan yahay in ay isla qaataan Labada dhinac ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ay ku cad yihiin sida laga yeelayo Qaxootiga Dhadhaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey usheegay in dowladiisa ay dooneyso si sharaf leh Qaxootiga loogu soo celiyo gudaha dalka Soomaaliya.


