Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo maanta ay tahay 20-ka Bisha December kuna beegan markii ugu horeysay oo la Aas aasay 73 sano ka hor ayaa Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlayay arintaasi ayaa waxa uu amaanay Ciidanka Booliska.
Waxa uu sheegay sidoo kalena uu ku amaanay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay yihiin Ciidanka ugu dhow ee la shaqeeya shacabka Soomaaliyeed.
C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Ciidanka Booliska ku bogaadiyay in ay wanaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay hada cagta saareen wadada hormarka iyo dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sanadii 1943-dii ayaa la Aas aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana ay qeyb ka yihiin Ciidamada Qalabka Sida.


