Hawl-galka Midowga Africa ‘AMISOM’ ayaa walaac ka muujinaya wararka war-baahinta qaar ay warinayso oo ah in ciidanka AMISOM ay ka dambeeyeen dilka dad Rayid ah oo ka dhacay Magaalooyinka Qoryoley iyo Marka ee Gobalka Shabelleada Hoose todobaadkan.
Bayaan ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay heleen warar hor dhac ah oo sheegaya in 17-bishan December, xili habeen ah in ciidanka AMISOM weerar hoobiyayaal ah lagu qaaday kuna qaadeen argagixiso looga shakisan yahay Al-Shabaab oo ku dhuumaalaysanaya deeganaada sida lagu ku xusay bayaanka.
Tani waxa ay dhacday kadib markii ay ciidanka oo roondo ku jira ka war heleen dhaq-dhaqaaqa gaadiid xili habeen ah kaasi oo la rumaysan yahay inuu siday dagaal yahano Shabaab ah. Waxaana jira heshiis u dhaxeeya maamulka deegaanka iyo AMISOM oo reebaya ama mamnuacaya isu socodka gaadiidka xiliga habeenkii si loo yareeyo weerarada argagixiso ee dhaca habeenkii kuwaas oo inta badan dhaca, sababana dhimasha dad rayida.
Warka ayaa intaasi ku daraya in dhaq-dhaqaaqa gaadiidka uu ku kalifay AMISOM in ay dhigato bar-control oo ay uga hortagaysa weerarada uga yimaada Al-Shabaab. Gaari caasi ah baa ku soo dhawaaday barta kontarol waxaana lagu amray inuu istaago balse darawalka ayaa ka dhaga adeegay, ciidankana durbadiiba waa ay toogteen, waxaana halkaas ku dhintay 6 ruux oo gaarigaas saarnayd.
AMISOM sidoo kale waxa ay sheegtay in uu jiray weerar kale oo isna ka dhacay deegaanka Buufow kaasi oo kolonyo ciidankooda ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ay Shabaab weerar gaadmo ah oo walxaha qarxa ah la beegsadeen balse aan wax qasaare dad rayida ka dhalan.
“Amisom waxa ay ku shaqaysaa sharciyada caalamiga ah ee Xuquuqul aadaha, waxaana ay qaadanaysaa qasaaraha dadka rayidka ah ee ciidankeedu gaysto, AMISOM iyo dawlada Federalka Soomaliya ayaa bilaabay baritaanka labadaas dhacdo, waxaana ay qaadayaan talaabo sax ah marka uu soo dhamaado baaritaankaas” ayaa lagu yiri bayaanka .
Waa weerarkii labaad ee Ciidanka midowga Africa Amisom ay ka gaystaan Gobolka Shabelaha Hoose. horaantii sannadka gaari dad rayid ah ay saarnaayeen waxa ay ku dileen uga yaraan afar ruux meel u dhaw magaalada Bula-mareer. waxaa sidoo kale gaadiidkooda uu ku jiiray haweenay magaalada Muqdisho isbuuci hore. Waxaana xusid mudan in AMISOM ay cudur daar iyo raali gelin ka bixisay qasaarahaasi dadka rayidka ah oo ay ku tilmaantay dhacdooyin.