Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa waxa ay sheegtay inaan afti Dastuurka loo qaadi karin inta Somaliland ay maqan tahay.
Wasiir Xoosh ayaa sheegay in ay muhiim tahay Somaliland in ay la mid noqoto dadka Soomaaliyeed ee talada ku lahaanaya hanaanka dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka dalka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii dadka Soomaaliyeed dhammaantood looga wada qeyb gelin lahaa shirarka wadtashi ee dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo wada tashi kula yeelaneysay xarumaha degaanada maamul goboleedyada, si shacabka looga qeyb galiyo talooyinka ku aadan dib u eegista qodobada Dastuurka.



