Muqdisho-RisaalaFM- Miisaaniyadda hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira qaladaad kala duwan, iyadoo xubnaha Golaha Shacabka ay dhaliilo u jeedinayaan Hanaanka loo qoondeeyay Miisaaniyadda Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.
Dowladduu waxa ay ka kooban tahay Saddex Hay’adood oo waa weyn, kuwaasi oo kala ah Hay’adda fulinta, Hay’adda sharci dejinta iyo Hay’adda Garsoorka dalka, marka la eegana Saddexdan Hay’adood qaaabka loogu qoondeeyay Miisaaniyadda, waxaa ka muuqata in uu jiro qaladaad muujinaya in uu kala sareeyo Miisaaniyadda.
Xafiisyada Madaxda sare ee dalka maxaa ugu qoran Miisaaniyadda Dowladda, Xildhibaan Xidig ayaa sharaxaya.
Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hortaalla Miisaaniyadda Dowladda, xubnaha Baarlamaanka qaarkoodna dhaliilo ayay ka muujinayaan qaabka loo qoondeeyay Miisaaniyadda.
Xildhibaan Cusmaan Xaji Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlaya sida Hay’adaha Garsoorka aanan loo siinin ahmiyad gaar ah.
Hay’adaha Garsoorka qudhooda ayaa muujinaya cabashada ku aadan in lagu yareeyay dhaqaalaha Miisaaniyadd ahaan loogu qoondeeyay Garsoorka dalka, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.
Dhanka kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdsi Xaashi C/laahi ayaa qiray in qalad uu ka jiro Miisaaniyadda loo qoondeeyay Hay’adaha Garsoorka ee dalka, loona baahan yahay in dib loo saxo.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa looga fadhiyaa in ay dib u saxdo qaladaadka kala duwan ee ka jira Miisaaniyadda Dowladda, ee hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya.
W/D:- Feysal C/laahi Maxamuud


