DHAGEYSO: Wasiir Xidig “waan bilownay qeybinta Deeqdii Turkiga ka timid”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaarada arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay bilowday qeybinta raashiinkii gar gaarka ahaa ee dowladda Turkiga ay usoo dirtay gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in lagu bilaabayo qeybintan culimada Soomaaliyeed, isagoo sheegay qeybaha kale ee bulshada gaar ahaan bulshada tabaaleysan in la gaarsiin doono raashiinkan.

Waxaana uu tilmaamay wasiirka in Wasaarada arimaha gudaha arintan ay juhdi badan ku bixisay iyadoo ay jiraan duruufo dhanka dhaqaalaha ah oo saamixi waayay in si deg deg ah loo qeybiyo raashiinkan.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo daruufo kala duwan ay heystaan ayaa ku nool magaalada Muqdisho kuwaasi oo ubaahan helida gar gaarkan bani’aadanimo ee ka yimid dowladda Turkiga hadii dowladda federaalka Soomaaliya ay si sax ah uqeybiso.