DHAGEYSO: Wasiir Mungaab oo ku baaqay in Isbedal lagu Sameeyo Hoggaanka dalka

Wasiiru dowlaha Wasaarada Cadaaladda dowladda Soomaaliya Xasan maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay isbedal ku saleysan hoggaanka Sare ee dalka.

Mungaab ayaa sheegay in koox ay dalka qabsatay ,islamarkaana sanadyadii lasoo dhaafay uusan gaarin dalku horumar la taaban karo.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Cadaaladda ayaa sidoo kale sheegay in hadda ay jiraan Musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya, kuwaa soo uu sheegay in ay u badan tahay in ay bedalaan hoggaanka ugu Sareeya dalka.

Waxaa uu xusay in hadda dalka uu ku jiro marxalad adag , loona baahan yahay Hoggaan cusub oo isbedal la imaan kara.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Hogaamiyeyaal kale oo caan ku ah Siyaasadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay  in dalka uu u baahan yahay hoggaan cusub.