DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan Galmudug oo is casilay

Cadaado-RisaalaFM- Cawil C/laahi Jaamac Kheydar oo ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Galmudug ayaa maanta iska casilay shaqadii uu ka hayay Maamulka Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Galmudug Cawil C/laahi Jaamac Kheydar oo la hadlay warbaahinta is casilaadiisa kadib ayaa sheegay ka tagista shaqadiisa in ay sabab u tahay fara gelin Mas’uuliyiinta Galmudug ay ku sameeyeen Howlihii Wasiirada Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in la marayo mudo sanad iyo bilo ah, oo aysan jirin wax howlo ah oo socda, sidoo kalena ay fuli waayeen balan qaadkii shacabka markii hore loo sheegay.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Galmudug Cawil C/laahi Jaamac Kheydar ayaa sheegay hadii is bedel lagu sameeyo Mas’uuliyiinta hada xilka heysa in wax badan la qaban karo, sidoo kalena isbedel uu imaan karo.