Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxa uu golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ugudbiyay ansixinta sharciga lagu dhisi lahaa ciiamada gurmadka wadamada Bariga Africa, iyadoo wadamaas ay ka mid yihiin wadamada Burundi, Soomaaliya, Itoobiya, Comoros, Kenya iyo kuwo kale.
Waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in sharcigaas dar dar galin ay ku sameeyaan golaha wasiirada.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya C/salaan Caato ayaa waxa uu ka hor aqriyay golaha wasiirada.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa dadaalo ay kor ugu qaadeyso ciidamada Soomaaliya, waxaana dhowaan ay dowladdu shaacisay in ciidmada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgalla lagu bedeli doono ciidamada xoogga.


