DHAGEYSO: Wasiir Diini “Dowladda way ka hortagtay weerarada Shabaab”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aan taageero loo muujin ururka Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka hortagtay weerar walbo oo Al-shabaab ay doonayeen in ay ku soo qaadaan xeryaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Wasiir Diini ayaa sidoo kale sheegay in shacabka looga baahan yahay ina aysan taageero u muujin Shabaab, isagoo kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya taas oo uu sheegay in laga feejignaan karo in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-shabaab jab xoogan uu ka soo gaaray dagaalkii shalay ay ku qaadeen ciidanka Itoobiya oo fariisin ku leh deegaanka Halgan.

Shalay ayay aheyd markii Al-shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen xero ciidan oo ciidanka Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.