Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Maanta si rasmi ah Xilka Wasaarada Gaashaandhiga ula wareegay kadib Xaflad ka dhacday Xarunta Wasaaradda.
Xaflada Xil Wareejinta Waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, Masuuliyiin ka tirsan Dowladda, iyo Sarakiil Ciidan.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Talisyada Ciidamada Xooga Dalka.
Wasiirka Cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga qeyb qaato xureynta degaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin iyo sidoo kale sugidda guud ahaan amniga Dalka.
Waxa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono hormarinta Ciidanka Xooga Dalka isla markaana uu ka shaqeyn lahaa sidii ay u heli lahaayeen Mushaarkooda iyo daryeelkooda Caafimaad.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxda Dowladda iyo Guddiga Abaaraha ugu baaqay in ay si deg deg ah gurmad ku gaarsiiyaan degaanada ay abaarta daran ay ka jirto.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la isku garab wado gurmadka iyo howlaha Daryeelka Caafimaadka.
Waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed iney u geriyoodaan cuduro ku dhaca isla markaana ay jiraan sida uu sheegay kuwa kale oo hada isbitaalada jiifa.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku gurmadaan kana shaqeeyaan sidii looga maarmi lahaa gacmo shisheeye iyo kaalmo ka timaada dibadda.



