DHAGEYSO: Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ka digtay Ciida Kirismiska

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka digtay in Hotelada Magaalada Muqdisho lagu qabto Munaasabado loogu dabaal degayo maalmaha Ciida kirismiska.

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraaid ku qabatay ayaa Milkiilayaasha Hoteelada ugu baaqday in a ka digtoonaadaan Hoteeladooda in lagu qabto Dagaaldega Ciida Kirismiska.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Maxamed Kheyrow o warbaahinta la hadlay ayaa waxa u sheegay maalmahan in ay maqlayeen Hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho in lagu qaban rabo weyneynta Maalmaha Ciida kirismiska.

Waxa uu sheegay dadka islaamka in ay mamnuuc ka tahay in ay u dabaal degaan Ciidaha Kirismiska, loona baahan yahay in laga fogaado.

25-ka Bishan ayaa Dadka aan islaamka aheyn waxa ay u diyaar garoobayaan u dabaal degida Maalmaha Ciida kirismiska, waxaana sanad walba xilligan oo kale ay sameeyaan dabaal degyo.