Jabuuti-RisaalaFM- Hay’adda Dowladda Djabuuti u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa ku guda jirtay maalmahan Qaxooti ku noolaa Dalka Djabuuti oo Dalkooda dib loogu soo celinayo.
Qaxooti deganaa xeryo ku yaalla dalka Djibuuti, iyo dad kale oo Tahriibayaal ahaa oo laga soo celiyey dalka Yaman, ayaa lagu soo celiyayay Dalkooda.
Dadka la soo celiyay waxa ku jirey nin Soomaali ah, iyo dad kale oo sheegtay in ay si iskooda ah ugu laabanayaan dalkooda.
Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dowladda Djabuuti u qaabilsan Qaxootiga Xuseen Xasan Dharaar ayaa warbaahinta uga warbixiyay Qaxootigan ay soo celinayaan.


