Hargeysa-RisaalaFM- Qaar ka mid ah xubnaha xildhibaanada Maamulka Somaliland ayaa waxa ay ka hadleen Heshiiskii ay wada gaareen Maamulada Somaliland iyo Khaatuma.
Heshiiska dhexmaray Maamulada Somaliland iyo Khaatuma ayaa waxaa gar wadeen ka ahaa Dowladda Itoobiya, kadib markii labada dhinac ay ku shireen Magaalada Addis Ababa.
Ilaa 11 Qodob ayay ku heshiiyeen Labada Maamul, waxaana qodobka ugu weyn uu ahaa Ciidamada Somaliland in laga saaro Magaalada Laas-caanood.
Xildhibaanada Maamulka Somaliland ayaa waxa ay soo dhaweeyeen heshiika ay wada gaareen Maamulada Somaliland iyo Khaatuma.
Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah xubnaha xildhibaanada Somaliland ayaa arrimahaasi ka hadlay.


