DHAGEYSO: Khasaare ka dhashay weerarka ka dhacay Deynuunay

Deynuunay-RisaalaFM- Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah iyo Askar ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa wadada u galay oo rasaas ku furay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Gaarigan ayaa waxaa lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Degaanka Deynuunay iyo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, sida ay sheegeen saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed.

Inta la xaqiijiyay 6 Qof ayaa ku dhimatay oo 2 ka mid ah ay yihiin Ciidanka Koonfur Galbeed, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 8 Qof oo shacab ah.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya dhaawacyada in la gaarsiiyay Isbitaalada Magaalada Baydhabo, si halkaasi loogu dabiibo.

Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Baay C/fataax Xaashi Gaabow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawacyada Isbitaalka la soo gaarsiiyay.

Ilaa iyo hada saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin weerarkan Shabaabka ay la beegsadeen Gaariga ku siijeeday Magaalada Baydhabo.