DHAGEYSO: Wasaarada Amniga oo ka hadashay qaraxyadii saaka la qabtay

Afhayeenka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya C/kaamil Macalin shukri oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay qaraxyo saaka la qabtay, waxaana gaariga koowaad lagu qabtay degmada Hodon.

Qaraxyada ayaa waxaa lagu xiray labo gaari oo kala duwan, waxaana mid kamid ah gaadiidka qaraxa lagu xiray lahaa mid kamid ah shacabka Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga ayaa sheegay in laamaha amaanka ay xogo badan ka heleen shacabka magaalada Muqdisho ayna qabteen gaadiidka waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen.