Muqdisho-RisaalaFM- Xaalada Caafimaad ee Wariye Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ka tirsan shaqaalaha Shabeelle ayaa Wanaagsan kadib markii uu maanta ku dhaawacmay Israsaaseyn ka dhacday Isgoyska Tarbuunka.
Wariye Mahad oo Risaala u waramay ayaa sheegay xilliga uu dhaawacmayay in goobta Maamulka Degmada Hodan uu ka waday Howlo bur burin ah, kadibna halkaasi ay Israsaaseyn ku dhexmartay Ilaalada Guddoomiyaha Hodan iyo Ciidamo Millitari ah oo goobta soo gaaray.
Sidoo kale Wariye Mahad ayaa sheegay in dhaawaca uu ka soo gaaray Gacanta bidix, isaga oo sidoo kale sheegay in hada laga soo bixiyay Xabada, caafimaadkiisana uu yahay mid wanagaasan.
Israsaaseyntan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Labo Qof, kuwaas oo iyaguna xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka Madiina.



