Daawo Sawirada Puntland oo soo bandhigtay Markabkii ARIS 13

maamulka Puntland ayaa Maanta magaalada Boosaaso kusoo bandhigay Markabkii ARIS 13  ee dhawaan kooxaha Burcabadeeda Soomaalida ay Afduubteen ,islamarkaana ay ku haysteen xeebaha degmada Caluula.

Markabkaan oo siday Shidaal ayaa  dhowr maalmood kooxaha Burcadbadeeda waxa ay ku haysteen degmada Caluulla.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar oo tagay Dekeda Boosaaso oo Markabka lagu soo bandhigay ayaa sheegay in Puntland ay ku guuleysatay soo deynta Markabkaasi.

Markabkaan oo ay la socdeen 8 qof oo u dhashay dalka Sirilanka aya dadaallo dheer oo ay saameeyeen Waxgaradka gobolka Bari iyo sidoo kale maamulka degmada Caluula waxa ay suurtageliyeen  soo deynta Markabkaasi.

2-24 3-22 4-19 1-23