Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa ku wargeliyey madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, in madaxweyne Donald Trump damacsanyahay inuu booqasho ku tago dalkiisa si loo xoojiyo isfahamka ka dhexeeya labada dawladood.
Tillerson wuxu socdaal ku marayaa dalalka Aasiyada Bari waxaanu hogaamiyaha China kula kulmay magaalada Beijing.
Madaxweyne Xi ayaa isna sheegay inuu ku faraxsanaa horu socodka fiican ee uu sheegay kulankii uu la yeeshay Tillerson.
Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Tillerson ayaa isna sheegay in madaxweyne Trump “aad u qiimaynayo xidhiidhada ay ilaa haatan yeesheen labada dhinac”.


