Buula-burde-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa dib xoriyadiisa u siiyay Wariye Amiin C/casiis Sheekh Cali oo saacado ugu xirnaa magaaladaasi.
Wariyaha oo xalay ay kala baxeen hoygiisa Magaalada Buulo Burde, ayaa waxaa la sheegay in ay gaysteen xarun ciidan, oo ay ku leeyihiin magaaladaasi, iyadoona ay jirdil ugu gaysteen.
Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la sheegay in ay jirdil xoogan u gaysteen Suxufiga. Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn, Maxamed Cismaan Makaraan, ayaa Risaala u xaqiijiyay jirdilka loo gaystay Wariye Amiin C/casiis Sheekh Cali.
Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn, ayaa sheegay Suxufiga ciidamada ay jirdileen wax xiriir ah inuusan la laheen Ururka Al Shabaab, balse illaa hadda inuusan garan karin sababta rasmiga ee ciidamada ay u dhibaateeyen Wariyaha.
Wariye Amiin, ayaa ka hawlgala Radio Hiiraanweyn xarunta uu ku leeyahay Magaalada Buulo Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.


