Iyadoo shalay Degmada Xamar Jajab gaar ahaan Agagaarka Dekada Muqdisho ay ka dhacday Shaqaaqo taas oo ku aadaneyd Rasaas ay fureen Ilaalada Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in ay ku dhaawacmeen Dad shacab ah iyo sidoo kale Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xildhibaan Dalxa oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala.
Wuxuu sheegay Askartii geysatay falkaas ee ka tirsaneyd ilaaladiisa in uu ku wareejiyay sharciga si baaritaano loogu sameeyo, hadii ay dambi leeyihiin sharciga la marsiiyo hadii aysan laheyna la soo sii daayo.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta qaar ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Warbaahinta Dowladda ay si qaldan u sheegeen warkaas, isagoo intaa ku daray in wax walba muhiim ay tahay in xaqiiqada laga sheego.


