DHAGEYSO WAREYSI: Wiil lagu Afduubtay Afgooye

Wiil uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo xalay ay ka Afduubteen kooxo hubeysan Gurigiisa oo ku yaalla Degmadaasi ayaa wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in uu ka soo baxsaday kooxdii Afduubatay.

Kooxdan oo xalay weerartay Guriga ayaa waxa ay fureen Rasaas jiho badan leh, waxaana ku dhaawacantay Labo Qof, kuwaas oo kala ah Islaan waayeel iyo wiil Dhalinyaro ah.

Wiilka Dhalinyarada ah ayaa waxaa loola soo cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wiilka xalay la Afduubtay Nin la dhashay ayaa ka waramaya qaabka uu uga soo baxsaday kooxda Afduubatay walaalkiisa, wuxuuna sheegay kooxdaasi ujeedkooda in uu ahaa in ay dilaan walaalkiisa.