DHAGEYSO WAREYSI: Wararkii ugu dambeeyay maamulka laga dhisaayo gobolka Hiiraan

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan shalay waxaa kulan ku yeeshay Waxgaradka, Ugaasyada, Duubabka Dhaqanka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana kulankaas ay kaga soo horjeesteen qaabka loo qeybiyay Baarlamaanka Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gabi ahaanba ay si cad uga soo horjeedaan Shirka ka socda Magaalada ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo dhankooda Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhowaan Magaalada Beledweyne uu ka furmi doono shir Maamul loogu sameynayo Gobolka Hiiraan.

Nabadoon Cabdulaahi Cabdi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in shirku uu maraayo meel wanaagsan , islamarkaana lagu wado in dhawaan maamul cusub looga dhawaaqo gobolka Hiiraan.