DHAGEYSO: Ciidamada Gobolada Baay iyo Bakool oo fariin loo diray

Taliyaha qeybta 60 aad ee ciidanka  dowladda Soomaaliyeed ee gobolada baay iyo bakool ayaa amar ku bixiyay in saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aysan ka qeyb qaadan karin soo xulista iyo sidoo kale ergooyinka ka qeyb galaya doorashada xildhibaanada.

General Ibraahim Yaroow Taliyaha 60 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya looga baahan yahay suggaan amniga.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay in ay xaqiijiyaan amniga ergooyinka soo xulaaya baarlamaanka Soomaaliya.

Xubin kaste oo ka mid ah ciidanka dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan ka qeyb qaadan soo xulista xildhibaanada iyo sidoo kale Ergooyinka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60 aad qaarkood ayaa lagu eedeeyay ina ay ka qeyb yihiin ergooyinka soo xulaaya baarlamaanka.