DHAGEYSO: Baarlamaanka IGAD oo isku raacay in la taageero Soomaaliya

Barlamaanada urur goboleedka IGAD ayaa isku raacay in Soomaaliya laga taageero doorashooyinka la filayo iney bilaha soo socda qabsoomaan Soomaaliya

Sidoo kale Baarlamaanada urur goboleedka IGAD ayaa isku raacay in Dowladda Soomaaliya loogu deeqo lacago loogu tala galay in lagu fududeeyo doorashooyinka la filayo iney Soomaaliya ka dhacaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in Shirka Baarlamaanada urur goboleedka IGAD ay si adag kaga doodeen Xaalada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Wadamada kale ay usoo jeestaan taageerada Soomaaliya iyo doorashooyinka.