Wasiirka Beeraha ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi oo lahadlay Idacaadda Risaala ee Muqdisho ayaa Dowladda Soomaliya ku eedeyay in ay masuul ka tahay waxa ka dhacaya Gobolka Shabeelaha Hoose Gaar ahaan Magaalada Marka.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Dowladda ay ka gaabisay waax ka qabashada falalka amni darada sidii Gobolkaasi loo nabadeen lahaa lkn uu sheegay in Dowladda ay raali tahay waxa ka dhacaya Shabeelaha Hoose waa sidaa uu sheegay.