Ururka Somali Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA) ayaa cambaareeyay xariga Radio Galgaduud oo ku taala Magaalada Guriceel.
Xoghayaha Ururka Somali Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay cambaareynayaan falka lagu xiray Radio Galgaduud.
Waxa uu Maamulka Ahlu sunna ugu baaqay in ay si deg deg ah u sii daayaan Radio Galgaduud, isagoo sidoo kale sheegay falkan in uu yahay mid laga xumaado.


