DHAGEYSO WAREYSI: Siyaasiyiin walaac ka muujiyay doorashada Soomaaliya

Siyaasiga Maxamed Axmed Cali oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka  Soomaaliya ee sanadka 2016 , gaar ahaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka  dowladda Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxda maamulka Goboleedyada looga baahan yahay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah si loo gaaro doorasho ka dhacda Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka gaabiyeen in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay , madaam aysan  muuqan diyaar garow ku aadan hanaanka doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa dhowr jeer sheegay in ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya , waxaana ay sheegeen in ay wadaan dadaal xoogan ku aadan in doorashada ay dhacdo.