Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Ergooyinkii ka qeyb galayay Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe oo shalay iska baxay shirka jowhar in ay Maanta dib uga laabanayaan.
Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa iska baxay Shirka ka dib markii ay sheegeen in ay waayeen xubnihii ay ku lahaayeen maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.
Halka Qaar kalena ay sheegeen in ay shirka uga baxeen dhaqaalo daro soo wajahday Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.
Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ka qeyb galaya Shirka Magaalada Jowhar , waxaana ay ku qacisay in ay dib ugu laabtan shirka sida ay Risaala u sheegeen Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.


