DHAGEYSO WAREYSI: Siyaasiga Daahir Ciiro oo ka hadlay shirka Madasha Qaran ee Muqdisho ka furmaya

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay 10-ka Bishan ee aynu ku guda jirno in Magaalada ay ku shiri doonaan Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran.

Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxa ay kulankooda uga hadli doonaan Arrimaha Doorashooyinka oo marar badan dib u dhac uu ku yimid.

Siyaasiga Daahir Ciiro oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa Arrimahaasi waxa uu uga waramay Wariyaheena Maxamed Abuukar Dabaashe.