DHAGEYSO WAREYSI: Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal kooban oo xalay Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab ku dhexmaray xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilliwaa.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidamo Boolis ah ay ku leeyihiin xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Hilliwaa, waxaana ay taasi sababtay in Ciidanka NISA ay garab siiyaan Ciidamada Booliska, halkaasina uu ka dhashay khasaare.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la halday Risaala ayaa sheegay in Dagaalkaasi lagu dilay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Jacfar Kuukaay, isaga oo sidoo kakle sheegay in Ciidamada ay soo furteen Laba Qori oo midi uu ahaa Baasuuke.

Sidoo kale C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay sarkaalkan la dilay Shabaab in uu ugu magacawnaa suuqa Xoolaha, wuxuuna sheegay Howlgalka in uu ahaa mid guuleystay.