Hiiraan-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degaanka Maqasiya oo 15-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaa xalay halkaasi lagu dilay Labo ruux oo la sheegay in ay yihiin xoolo dhaqato, kuwaas oo ka soo jeeda Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Labada ruux ee la dilay ayaa magacyadooda waxaa lagu soo koobay C/naasir iyo Garuun, iyaga oo ka mid ahaa dad xoolo dhaqato oo dhowaan soo gaaray Degaankaasi.
Koox ka kooban 5 Qof ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka, waxaana dilka kadib ay ka baxsadeen goobta, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.
Ilaa iyo hada ma cada waxa ay ay yihiin, hase ahaatee dadka Degaanka ayaa sheegaya dilalka xalay dhacay in ay salka ku hayaan aanooyiin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka taagnaa.
Maamulada Hirshabeelle iyo Ahlu-sunna weli kama aysan hadlin, maadaama ay ka kala arrimiyaan Degaanka uu dilka ka dhacay iyo Degaanka ay ka soo jeedaan Labada ruux ee dilka loo geystay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay baarayaan sababaha uu u dhacay dilkaasi.


