Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Rag loo heysto in ay kufsi ka geysteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Ragga gacanta lagu soo dhigay ayaa ahaa labo nin, kuwaasi oo ka baxsaday Degmada Kaxda, laguna qabtay mid ka mid ah Degmada Shangaani, uuna ku xiran yahay xabsi ku yaalla Dharkeynley, halka midka kalena oo doonayay in uu baxsado la qabtay, hadana uu ku xiran yahay xarunta Dambi baarista ee CID-da.
Raggan oo Degmada Kaxda ku kufsaday Gabdho yar yar ayaa Da’dooda lagu qiyaasay in ay ka yaraayeen 12 sano jiro, kana mid ahaa dadka ka soo barakacay Abaaraha, kuwaasi oo hada xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Raggan in sharciga la marsiin doono, si dambigooda loogu qaado.


