Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo xalay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka hor yimid xilka qaadista lagu sameeyay.
Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka oo ilaaladiisa ku eedeysnaa in ay ka dambeeyeen dilka Wasiirki Howlaha Guud iyo dib udhiska Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa xalay Golaha Wasiirada waxa ay ku sameeyeen xil ka qaadis.
Isaga oo waeysi siinayay Idaacadda Risaala Dr. Nuur ayuu sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya aysan xilka ka qaadi karin, awoodna aysan u laheyn arrintaasi.


