Faah faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya Gaari ku qarxay inta u dhaxeysa Xerooyinka Rajo iyo badbaado oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Gaariga ayaa la sheegay in uu lahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya sida ay Risaala u sheegeen dadka kunool goobta ay wax ka dhaceen.
Sarkaal ka tirsan Waaxda Dabdamiska Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo C/naasir, ayaa u sheegay idaacadda Risaala in ay guuleysteen in ay damiyaan dabkii ka dhashay Gaariga ku Qarxay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.


