Hiiraan-RisaalaFM- Iyadoo shalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayay ay gaareen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay maanta kulamo la qaateen Waxgaradka Gobolka Hiiraan.
Kulan saacdo badan qaatay ayaa waxaa maanta Magaalada Beledweyne ku yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa waxa ay inta badan uga wada hadleen shirka ka socda Magaalada Jowhar.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa Waxgaradka Gobolka Hiiraan ka codsaday in ay ogolaadaan xildhibaanada ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in lagu soo xulo Magaalada Muqdisho, inkastoo arintaas uu Ugaas Xasan uu ka biyo diiday.
Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa diiday in ay Warbaahinta u soo bandhigaan waxyaabihii ka soo baxay kulanka ay la qaateen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wafdigiisa.


