DHAGEYSO WAREYSI: Qarax haleelay Gaari caasi ah oo ka dhacay Sh/Hoose

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaara geystay oo ka dhacay Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Shabeelaha Hoose.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa haleelay Gaari Caasi ah oo marayay Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna u socday Magaalada Marko.

Inta la xaqiijiyay 20 Qof ayaa ku dhimatay Qaraxan halka uu ka badbaaday oo keliya Darawalkii waday Gaariga, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha caafimaadka ee gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Arrimahan waxaan ak wareysanay mid ka mid ah dadkii eheladooda ay ku waxyeeloobeen.