DHAGEYSO WAREYSI: Puntland oo Maxkamad soo saareysa 4 ruux

Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa kufsi loogu geystay Gabar 13 sano jir ah, falkaasi waxaa geystay 4 nin, sida ay sheegtay Wasaaradda Haweenka ee Maamulka Puntland.

Wasaaradda Haweenka Maamulka Puntland ayaa xaqiijisay in gacanta lagu soo dhigay 4-tii nin ee dhibaatada u geysatay Gabadha Da’da yar.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Maamulka Puntland Marwo Aniso C/qaadir Xaaji Muumin ayaa warbaahinta uga warbixisay qaabka uu u dhacay falkaasi, iyada oo sheegtay inaan la aqbali doonin falalka nuucaan oo kale ah.